Maamulka gobolka Hiiraan ayaa abaalmarin gudoonsiiyay xubno ka tirsan ciidamada Macawisleyda oo howlgal qorsheysan ku dilay dagaalameyaal ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab, kaasi oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceelka-baar ee dhaca galbeedka magaalada Beledweyne.