1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Dunida Islaamka oo ay maanta u tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan. Muslimiinta dunida ayaa maanta sooman, ka dib markii bisha barakaysan ee Ramadaan laga arkay inta badan dalalka caalamka, waxayna dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalku si wadajir ah u shaaciyeen in Ramadaan ay sabtida maanta kow tahay.
1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis dhinaca Batroolka ah Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee XFS Mudane Daahir Shire Maxamed ayaa heshiis iskaashi oo ku saabsan ka faa’iideysiga Saliidda iyo Gaaska la saxiixday Wasiirka Tamarta ee dalka Azerbaijan Mudane Parviz Shahbazov.
1 daqiiqo Sheeko:XAFIISKA RA'IISULWASAARAHA DALKA Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida DR Maxamed Yuusuf Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geeridda naxdinta leh ee ku timid Dr. Maxamed Yuusuf Xasan, oo caawa ku geeriyooday Muqdisho.
2 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal war murtiyeed hordhac ah ayaa laga soo saaray kulan magaalada Muqdisho ku dhex maray ra’iisul wasaaraha dalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna war saxaafadeedka laga soo saaray kulan madaxda labada u qornaa sidan:
1 daqiiqo Sheeko:Madaxweynaha 10-aad Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka Aadan cadde ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Federaalka Ethiopia, Mudane Abiy Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay maanta uga bilaabatey Soomaaliya.
1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Soo dhowaynta Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo si weyn looga dareemayo magaalada Muqdisho Soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abii Axmed oo la filayo inuu saacadaha soo aaddan dalka booqasho rasmi ah ku yimaado ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada caasimadda ah ee muqdisho.
2 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Dowladda Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay hoggaaminta Howlgalka AUSSOM Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegtay hoggaaminta howlgalka cusub ee AUSSOM, kaas oo kaalintiisa lagu sheegay mid ku kooban taageero farsamo oo ay siin doonaan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedyada.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo sheegay inuu sameynayo hannaan cusub oo deganaashaha Mareykanka lagu qaadanayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu damacsanyahay in Maraykanku uu bixiyo nooc cusub oo degenaansho ah oo lagu magacaabo “Trump Golden Card”, kaas oo lagu qaadanayo lacag dhan 5 milyan oo doolar.
1 daqiiqo Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya howlgal ay ciidanka xoogga dalku ka fuliyeen agagaarka deegaanka Ceel Baraf Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weerarka culus ku qaaday xubno ka tirsan Kooxda Alshabaab, kuwaas oo ku sugnaa duleedka magaalada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu
1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Soomaaliya oo shir guddoomisay kulankii ugu horreeyay ee shabakadda Isbadalka Cimilada Dalalka ay Colaadu Saameeyeen. Shirkaan oo heer-Wasiir ahaa, islamarkaana lagu qabanayo Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa shir-gudoomiyay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige waxaana ka soo qeybgalay qaar ka mid ah Dowladdaha ay saameeyeen Isbaddalka Cimilada iyo Arrimaha Colaadaha.