Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu damacsanyahay in Maraykanku uu bixiyo nooc cusub oo degenaansho ah oo lagu magacaabo “Trump Golden Card”, kaas oo lagu qaadanayo lacag dhan 5 milyan oo doolar.
noocan degenaanshiyaha ah ee uu bixin doono maamulka Trump ayaa maalgashadayaasha fursad u siinaya Fiisaha dalka ku galka Mareykanka loogu badelo warqado dhalasho oo aan ka dhacayn muddo 35 sano ah.
Hannaanka ayaa muuqda mid loogu talo-galay dhaqaale abuur, islamarkaana maalgashadayaasha jeebkoodu buuranyahay lagu soo jiidanayo, balse lama oga sida ay bahda garsoorka Mareykanku u oggolaan doonaan hindisahan.