Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa kulan-doceed gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abii Axmed, waxayna labada dhinac ka wada-hadleen xasilloonida gobolka, iyo mideynta dadaallada ku aaddan dagaalka argagixisada, sida ay sheegtay villa Soomaaliya.