Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Madaxa mashruuca NAGAAD, iyo La-taliyeyaal kale, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Amb. Mike Nithavrianakis, iyo madax ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska iyo qeybta Horumarinta UK ee FCDO.