2 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Wax ka ogow is afgaradka hordhaca ah ee ay gaareen madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkii ciidanka xoogga iyo kuwa Jubbaland Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkii dhex maray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in weerar lagu soo qaaday ciidanka qaranka oo isku diyaariyay in la wareegaan goobo ay ka bexeen howlgalka ATMIS.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Amniga Faahfaahinno ka soo baxaya Iska hor-imaad ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ku dhex maray gobolka Jubbada Hoose Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in dagaal u dhaxeeya Ciidanka dawladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland uu saaka ka qarxay deegaan u dhexeeya magaalooyinka Buurgaabo iyo Raas-kaambooni.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Israa’iil oo 480 weerar oo cirka ku qaaday Suuriya 48 saacadood gudohood Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 480 weerar oo cirka ah ay ku qaadeen dalka Suuriya 48-kii saac ee la soo dhaafay, islamarkaana burburiyeen 15 markab, gantaallada lidka diyaaradaha iyo goobaha hubka lagu keydiyo oo dhowr magaalo ku yaalla.
2 daqiiqo Sheeko:TAARIIKHDA SHAKHSIGA Waa Kuma Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho? Guddoomiyaha la magacaabay ee maamulka gobolka Benaadir mudane Maxamed Axmed Amiir, waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Deyniile, waxaana uu waxbarshadiisa hoose ilaa heer jaamaceed ku qaatay Magaalada Muqdisho.
1 daqiiqo Sheeko:Madaxweynaha 10-aad Maxaa laga ogyahay ujeedadda safarka madaxweyne Xasan Shiikh ee dalka Turkiga ? Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan.
1 daqiiqo Sheeko:Golaha Shacabka Maxay ka wada-hadleen guddoomiyaha golaha shacabk iyo danjiraha dowladda Shiinuhu ? Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale dardargelinta wada shaqeynta baarlamaanadda labada wadan.
2 daqiiqo Sheeko:Aragti Wax ka ogow waxyaabaha mamnuuca ka ah ciidamada qalabka sida Inkastoo ay muwaadiniin yihiin, haddana ciidamadu way ka duwanyihiin dadweynaha iyo xittaa shaqaalaha kale ee dowladda, waxaana saaran masuuliyad ballaaran iyo xil gudashadiisu ay hab-dhaqan gaar ah u baahantahay.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dalalka caalamka oo billaabay inay wada-hadallo la furaan jabhadaha qabsaday hoggaanka dalka Suuriya Dowladaha dunida intooda badan ayaa bogaadiyay isbadelka ka dhacay dalka Suuriya, waxayna qaarkood billaabeen inay wada-xaajood xariir hagaajin ah la yeeshaan kooxahan oo markii hore intooda badani ay argagixiso u aqoonsanaayeen.
4 daqiiqo Sheeko:Maqaallada Goobjoog Wax ka ogow Sooyaalka dalka Suuriya iyo madaxdii soo martay 8-dii bishan December mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay inay 13 sanoo kacdoon iyo dagaallo lagu hoobtay ah ka dib talada ka eryeen Bishaar Al-assad oo dalkaas hoggaaminayay taniyo sanadkii 2000-dii, ayadoo asaga iyo Aabbihiis oo 29 sano iyo bilo xukunka hayay lagu tilmaamay hoggaamiyaashii ugu samaynta badnaa, uguna maamulka adkaa ee soo maray dalka ku yaalla gobolka aan xasilloonayn ee bariga dhexe.