Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulam la qaatay qaar kamida duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee saamaynta ku lahaa doorashooyinkii dadbanaa waxa uuna ugu horeyn warbixin ka siiyey 3-da xeer ee doorashada ee Baarlamaanka ansixiyay , kuwaas oo kala ah, Xeerka dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ,Xeerka ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , iyo Xeerka doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya