Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururada 175-aad, guutada 17-aad ee Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October ayaa xubno ka tirsan kooxda Alshabaab ku diley howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiishu.