Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulankoodii afaraad ee wadajirka ah oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, waxaana kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa muhiim u ahaa dajinta miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2025.