1 daqiiqo Sheeko:Baarlamaanka 11aad Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka qeyb-galay shirka Baarlamaanka adduunka Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa Magaaladda Geneva ee wadanka Switzerland uga qeybgalay furitaanka kalfadhiga 149-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Ganacsiga Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday in dalka la keeno bacaha halka mar la isticmaalo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, taasi oo ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya ay horay go’aan uga soo saartay.
1 daqiiqo Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyey deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 7-aad, ayaa howlgallo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeeyn xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, sida at sheegtay warbaahinta dowladdu.
1 daqiiqo Sheeko:Aqalka Sare Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo heshiis ka gaaray khilaafkii u dhexeeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare ku xegeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo heshiis ka gaaray khilaafkii maalmahan ka dhex aloosnaa.
2 daqiiqo Sheeko:Aragti Muxuu salka ku hayaa khilaafka guddoomiyaha aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS? Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhowaan mid kamida kulamada golaha ka sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac uu lumiyay xubinnimadii aqalka sare, islamarkaana muddo labo sano ka badan aanu soo xaadirin kalfiyada Baarlamaanka, sidaa darteedna kursigiisa loo dhaarinayo mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo ahaa tartamihii ku xegay xilligii doorashada.
1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Maxaa lagu xasuustaa 14-ka Oktoobar ? 7 sano ka hor 14-kii bishii Oktoobar sanadkii 2017 waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Soobe ka dhacay mid kamida qaraxyadii ugu dhimashada badnaa, kaas oo ay ku naf waayeen ku dhowaad 1000 qof, halka dhaawacuna uu tiro beel noqday.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Maxaa ka soo kordhay weerarkii Xisbullaahi ee magaalada Binyamina oo aad u kordhay ? Wararka ku saabsan weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ururka Xisbullaahi uu ku qaaday Magaalada Binyamina ee waqooyiga Israa’iil ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay hadda 5 qof ku dhowdahay, halka dhaawacyaduna ay 60 kor u dhaafeen.
2 daqiiqo Sheeko:Waxbarashada Maxay wasaaradda waxbarashada XFS ka tiri Macallimiintii dhowaan dibedbaxyada ka dhigay magaalada Muqdisho? Ayadoo ay dhowaan magaalada Muqdisho bannaanbaxyo ka dhigeen bareyaal ka howgalayay dugsiyada ay dowladdu maamusho oo sheegay in shaqada laga eryay, islamarkaana badelkooda Macallimiin cusub loo qaatay ayaa waxaa arrintaas si faahfaahsan uga hadashay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Khasaare xooggan oo dhashay qarax ka dhacay koonfurta magaalada Xayfa ee Israa’iil Wararka ka imaanaya deegaanka nimyaami ee koonfurta magaalada Xayfa oo ka tirsan dhulka ay maamusho Israa’iil ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 qof ay ku dhinteen qarax culus oo halkaas ka dhacay sidoo kale dhaawacyada qaraxaas ka dhashay ayaa gaaraya 39 qof sida warbaahinta ay warinayso
2 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Hab-raac caynkee ah ayaa loo maraa dhismaha waddooyinka Muqdisho? Sanadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday mashaariic kala duwan oo isugu jira dhismaha waddooyin cusub iyo dayactirka Kuwii hore, waxaana ugu dambeeyay dhowr jid oo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhowaan xarigga ka jaray