Ciidan xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Hawlgal ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud ku beegsaday fariisimo iyo goobo Al-shabaab ay ku sugnaayeen oo ku dhow magaalada Ceelgaras, waxaana lagu diley seddax kamida dagaalamayaasha kooxdaas, sida lagu sheegay war qoraal oo ay soo saartay dowladdu.