Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb-galay shir heer caalami ah oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Nairobi, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, lana xoojin lahaa iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera.