Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saakay u ambabaxay magaalada Tanger ee dalka Marooko, si uu uga qeyb-galo Madasha sanadlaha ah ee MEdays, oo sanadkan ay ka soo qeyb-galayaan wufuud ka kala socota 120 dal, islamarkaana uu martigelinayo Boqorka Marooko