Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu ka jeediyey masaajidka Madaxtooyada ku sheegay in dalka uusan ka jirin khilaaf bulshada dhexdeeda ah, ha noqdo mid ku saleysan qabiil ama diin, balse khilaafka joogtada ah uu ka dhexeeyo siyaasiyiinta.