U bood dhigaalka

Axmed Cali Xaashi oo Loo Doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa Goordhaw Guddoomiye Baarlamaanka Puntland loo doortay Axmed Cali Xaashi kadib doorasho labo wareeg la isla gaaray.

Axmed Cali Xaashi ayaa helay wareegga labaad 41 halka Xildhibaan Dhoobo uu helay 22 Cod, Hal codna waa hallaabay.

Baarlamaankan Puntland ee hadda jira waxaa la dhaariyay January 1, 2014, halka guddoomiyihii hore ee iscasilay Siciid Maxamed Shire ay doorteen January 4, 2014.

Axmed Cali Xaashi waxaa uu noqonayaa Guddoomiyihii shanaad ee Baarlamaanka Puntland, maamulka Puntland ayaa hadda waxaa uu jiraa 17 sano.

July 24, 1998: Puntland ayaa yeelatay markii ugu horeysay Baarlamaan ka kooban 69 Xildhibaan kadib markii Qabaa’il isugu tageen Garoowe.

October 28, 2015: Waxaa  is casilay gudoomiyahii Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire.

Gudoomiyaha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu is casilay ka dib markii laga keenay mooshin uu sheegay in uu sharci darro yahay.

Goobjoog News