Axmed Daaci oo gurigiisa ka baxsaday iyo ciidanka dowladda oo ku hareeraysan

Waxaa  istaagay dagaalkii degmada Wadajir ka qarxay saaka walow rasaas mararka qaar la maqlayo.  Dagaalka ka dilaacay degmada Wadajir ayaa ka dhashay ciidamada dowladda oo damcay in ay hubka ka dhigaan guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmad Daaci, dabadeedna ay dagaal kala hor yimaadeen maleeshiyaadka ilaalada u ah guddoomiyhii hore ee Wadajir.

In kastoo ay adag tahay in la helo khasaaraha dhabta ah  ee ka dhashay  dagaalkii saaka hadana wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu geystay dagaalkaasi.

Axmed Daaci ayaa la sheegay inuu hoygiisa ka baxsaday, waxaana xaruntiisii ku sugan ciidamada dowladda oo ay kaalinayaa kuwa AMISOM.

Howl galkan ayaa qayb ka ah hub ka dhigis ay dowladdu bilowday, iyadoo habeeno ka hor ciidamada dowladdu ay weerareen xarumaha shaqsiyaad lagu tuhunsanaa in ay haystaan hub fara badan, iyadoo gacanta lagu soo dhigay qalab milateri .

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW