U bood dhigaalka

Axmed Madoobe: Kuraas Gedo Maqeybsanayno Aniga iyo Farmaajo Ee Reer Gado Ayaa Go’aan Ka Gaaraya

Sheeko:Baarlamaanka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa xarunta martiqaad waxaa uu madaxtooyada  ugu sameeyay Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, waxaana kulanka kadib isaga oo hadlay uu ka warbixiyey  dhowr arrimood, Axmed Madoobe ayaa xusay in loo baahan yahay in dalka laga samatabixiyo xaaladduu ku jiro.
Axmed  Madoobe ayaa xusay kuraasta dhiman ee Gobolka Gedo dhawaan lasoo dooran doono isla markana matalaad la’aan ayna noqon karin dadka ree Jubbaland ee gobolkaas ku nool,waxaa uu intaas ku daray  in ay macquul ahayn in xildhibaannada gobolka Gedo ay qeyb sadaan Farmaajo iyo isaga, laakiin waxaa uu carabka ku adkeeyay in dadka reer Gedo ay dooran doonaan xildhibaannada ku matalaya Baarlamaanka 11-aad ee federalka.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in haddii kuraasta la kala qeybsanayo ay dadkii ku matalayay gobolkaas siyaasada Jubbaland ay joogaan isla markana iyagu ay geed fadhi u yihiin xal ka gaarista arintaas, waxaana uu sii raaciyay in Xildhibaanada Federaalka ah ee kasoo baxay Jubbaland ay saaran tahay masuuliyad guud oo ah in dalka la samata bixiyo iyadoo la kaashanayo xildhibaanada kale ee kasoo baxay maamullada dalka
Madaxweynahu wuxuu xusay in Jubbaland ay dhibaato adag kala kulantay Maamulka wali Sida sharci darada ah talada ku jooga loona baahan yahay in si wadajir ah xaaladan qalafsan dalka looga saaro gaar ahaan amaan xumada iyo burburka uu dalku qarka u saaran yahay. waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay hadda tahay meel aan la kala saari Karin Hay’adaha amniga Dowlada iyo Al-shabaab isla markana ay si weyn iskugu milmeen.
Ugu dambayn Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Baarlamaanku uu yahay hay’ada hooyada u ah dhamaan hay’adaha kale ee Dowlada balse ay nasiib daro tahay in Baarlamaanku uu shaqooyinkiisa u daba fadhiisto NISA isla markana ay garan waayan waajibkii dalka ka saara shantii sano ee lasoo dhaafay,  wuxaana sheegay in si guud dadka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada ay saaran tahay masuuliyad ah samata bixinta dalka.
Goobjoog News