U bood dhigaalka

Axmed Madoobe oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyay

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaaray maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana sidiiran loogu soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde, xildhibaanno ka kala tirsan labada gole ee Baarlamaanka , mas’uuliyiin dowladda ah iyo bulshada ayaa wax kasoo dhoweeyay.

Axmed Madoobe ayaa ujeedka safarkiisa waxaa uu ku qotomaa sidii uu qeyb uga noqon lahaa dhammaystirka doorashada, waxaana socdaalkiisa ku wehlinaayay guddoomiyaha golaha wakiillada Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, xubno katirsan labada golle ee dowlad goboleedka Jubaland  iyo mas’uuliyiin kale.

Madoobe ayaa dhankiisa waxaa uu ka mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee loogu sameeyay Garoonka Aadan Cadde, waxaana uu ku biirayaa madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Hirshabeelle oo iyana  ku sugan Muqdisho, waxaa dhowaan la filayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa soo gaaray Muqdisho iyadoo go’aan golaha shacabku ka gaaray sodon iyo xildhibaan oo lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey, waxaana goluhu shaaciyey in xildhibaannada lagu doortay Ceelwaaq ay yihiin kuwa shacriga ah, halka 16-ka wax kamajiraan laga soo qaaday.

Doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomalaiya ayaa lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo 15-ka bisha May 2022-ka, waxaana maanta si rasmi ah u bilaabatay diiwaangelinta qofka  musharraxa ah ee taagan xilka ugu saraysa ee madaxweynaha oo ka qabsoomaysa Teendhada Afisyooni ee aaga xerada Xalane.

May be an image of 5 people, people standing and outdoors

May be an image of 9 people, people standing and outdoors

May be an image of 12 people, people standing, aircraft and outdoors

May be an image of 7 people, people standing and outdoors

May be an image of 6 people and people standing

May be an image of 6 people and people standing

May be an image of 12 people, people sitting, people standing, headscarf and text that says 'DOMESTIC ARRIVAL Pa'

May be an image of 12 people, people standing and outdoors

May be an image of 10 people, people standing and outdoors

May be an image of 9 people, people standing and outdoors

May be an image of 8 people, people standing and outdoors

Goobjoog News