U bood dhigaalka

Axmed Madoobe oo War Kasoo Saaray Go’aankii Guddiga FEIT

Sheeko:Baarlamaanka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaalka ee lagu dardar galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland, oo FEIT uu go’aamiyay in laga wareejiyo Garbahaareey.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu mar kale ku celinayo inaan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebaynin doorashooyinka guud ee dalka isla markana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta gobolkaas taala si dadka deegaanka ay u helaan matalaad dhab ah.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in gobolkaas ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka isla markana aan meel kale oo gobolka ahayn aan loo rari Karin kuraasta doorashadooda taasna ay qasabtay in laga wareejiyo Garbahaareey maadama ayna jirin kalsooni iyo xasilooni.
Ugu dambeyn Axmed Madoobe  ayaa ku booriyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan inay sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo gaba gabeeyaan doorashooyinka xildhibaanada ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland si looga faa’iidaysto wakhtiga oo dib u dhac kale aanu u iman.
Goobjoog News