U bood dhigaalka

Baabuur ku qarxay suuqa degmada Xamarweyne

Sheeko:War

qarax ciidamo

War goor dhow naga soo gaaray degmada Xamarweyne ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay agagaarka suuqa bacadlaha ee degmadaas.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari noociisu ahaa Kaarib lagu soo xiray walxo qarxa, ma jirto dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxan sida uu Goobjoog FM u sheegay guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir.

“Ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay inay ka war helaan qaraxa lagu xiray gaariga, kadibna waxa ay ku guuleysteen in khasaare weyn ay meesha ka dhalan.” Ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir.

Guddoomiyaha degmada xamarweyne ayaa sidoo kale sheegay in gaariga qarxay ay lahaayeen saraakiil ka tirsan nabad sugidda.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xilli shalay degmada Waaberi dabley hubeysan ay ku dileen mid ka mid ah nabad sugidda oo sarnaa gaarigiisa.

Wararka Goobjoog news