U bood dhigaalka

Baarlamaanka 11-aad Oo Fadhigoodii Ugu Horeyay Yeelanaya

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta oo sabti ah kulankoodii ugu horeeyay yeelanaya baarlamaanka cusub ee dalka, kaas oo la dhaariyay 14-ki bishaan.

Guddoomiyaha Kumeel gaarka ah ee golaha shacabka C/Salaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad) ayaa isugu yeeray xildhibaannada golaha shacabka in ay soo xaaadiraan xarunta golaha 9:00 subaxnimo ee maanta oo sabti ah.

Dhanka kale guddoomiyaha Kumeel gaarka ah ee Aqalka sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa dhankiisa isugu yeeray senatorada aqalka sare ee baarlamaanka cusub maanta in ay soo xaadiraan xarunta aqalka sare, halkaas oo ay ku yeelanayaan kulankoodii ugu horeyay.

Baarlamaanka cusub oo ay horyaallaan shaqooyin fara badan ayaa lagu wadaa in ay gutaan waajibka ugu horeya ee ah soo doorashada guddoonka labada aqal iyo doorashada madaxweynaha.

Labada aqal ee baarlamaanka ayaa lagu wada in golayaasha ay doortaan guddiga doorashada guddoonka labada aqal si loo dardar geliyo howlaha doorashada.

Khamiistii aynu soo dhaafnay oo la dhaariyay xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa dhaarta ka soo qayb galay 290 xildhibaan.

Goobjoog News