U bood dhigaalka

Baarlamaanka Afrika Oo Ka Hadlay Xalaadda Ammaan Ee Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka Baarlamaannada Afrika ay ku yeesheen 3 Marso magaaladda Johannesburg ayaa la horkeenay warbixin ay soo diyaariyeen guddiga arrimaha ammaanka Africa, iyadoo si gaar ah looga hadlay xaaladda amni darro ee Soomaaliya.

Shirkii u socday guddiyada joogtada ah ee baarlamaanada Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay magalalada Johannesburg ee Konfur  Africa,  shirkan ayaa bilowday 27 Febraayo illaa 4 Marso,  iyadoo looga arrinsanayay  dejinta Miisaaniyadda baarlamaanka Afrika ee sanadka 2017-ka iyo daraasad lagu soo bandhigay ganacsiga Afrika iyo sida ay wadamada qaaraddu isku weydaarsan karaan, iyo waliba guud ahaan xaallada amni ee Afrika.

Kulanka baarlamaanka Afrika ayaa Khamiistii si gaar ah looga doodey xaaladda ammaanka iyo nabadgalyada ciidamada Nabad ilaalinta Africa, iyo in la joojiyo dhaqaalaha ay helaan kooxaha argagixisada ah ee qaaradda.

Ambassador Smail Chergui oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ee Nabadda iyo Ammaanka ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda ammaan ee Qaaradda, waxa uu tilmaamay in guddiga uu madaxda u yahay (PSC) ay ka shaqeeyaan maareynta dagaallada iyo xal u helidooda khilaafaadyada qaaradda, waxa uuna tilmaamay in ulajeedadoodu tahay iney xoojiyaan ammaanka iyo xasilloonida  Afrika.

Chergui ayaa waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay ururada gobolka, kuwaas oo si mugleh uga qeyb qaadanaya Nabad ilaalinta qaaradda, isagoo si gaar ah u ammaanay AMISOM iyo kooxda fulinta  Qaaradda ee heerka sare (AUHIP), isagoo tilmaamay  suurogalnimada in ciidamo Afrikan ah loo diro dalka Mali (AFISMA), taageerana looga raadiyo caalamaka.

Waxa uu safiirku soo hadal qaaday ururada ammaan darrada ka wada Afrika ee dhibaatana ku haya ammaanka qaaradda oo , Al-Qaacidada Afrika, Al-Shabaab, Boko Haram, oo uu ku tilmaamey iney dhibaato ku yihiin ammaanka qaaradda isla markaan ay kicinayaan colaado abaabulan, waxaanuu tilmaamay iney lagama maarmaan tahay in la helo xal nabad lagu soo dabaalayo meelaha nabad galyo darrada ah ee ka tirsan qaaradda.

Ugu dambeyn xubnaha baarlamaanka Afrika ayaa si wanaagsan uga dooday warbixinta dhanka ammaanka, iyagoo aad u ammaaney dadaalada  Qaaradda  ee iskaashiga dhinca ammaanka.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Goobjoog News