U bood dhigaalka

Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Doortay Gudoomiye Ku Xigeenada Koobaad iyo Labaad

Sheeko:Baarlamaanka

Goobta ay doorashada ka dhaceysay waxaa joogay mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale, waxayna doorashada u dhacday jawi aad u degan.

Doorashad oo ku dhacday qaab gacan taag ah waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed Yoonis Cabdiraxmaan Maxamed, waxaa fadhiga joogay 195 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaaka Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Gudoomiya Ku xigeenka koobaad waxaa u tartamayey Xildhibaan Guuleed Cabdi Maxamed iyo  Xildhibaan  Maxamed Ibrahim Beyle, Xildhibaan Guuleed oo guusha raacday waxaa uu helay 165 Cod halka Xildhibaan Maxamed Ibrahim Beyle uu helay 30 Cod oo kaliya.

Dhanka kale, Gudoomiye ku xigeenka Labaad Waxaa u tartamay Xildhibaan Xafso Cali Cariish iyo Xildhibaan Cabdiraxman Ciise, Xafso ayaa 100% ku guuleysatay kadib markii uu tanaasulay Xildhibaan Cabdiraxman Ciise.

December 11, 2014: Kalfadhigii ugu horeeyey oo uu maanlintaas yeeshey baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiye loogu doortey Yoonis Cabdiraxmaan Maxamed oo ka mid ahaa sedex musharax oo xilka kula tartamay. Illaa iyo 275 xildhibaan oo dhalinyaro ah ayaa baarlamaanka xubno ka ah, wuxuuna noqday Baarlamaankii ugu horeeyey oo ay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa horay usoo dhaweeyay Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyagoo ugu baaqay Wasaaradda Dhalinyarada garab xoogan hasiiso dhalinyaradaan.

Tilaabadan ayaa lagu tilmaamay mid ay dhalinyarada kula soconayaan arimaha dalkooda iyo in codkooda iyo fikirkooda la dhageysto.

Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa uu ka kooban yahay 275 xubnood, 30% waa Gabdho, Waana arday dhigato Jaamacadaha magaalada Muqdishu.

IMG_4952 IMG_4951 IMG_4958 IMG_4949 IMG_4947 IMG_4956 IMG_4955 IMG_4946 IMG_4945 IMG_4954 IMG_4937 IMG_4938 IMG_4939 IMG_4941 IMG_4942 IMG_4943 IMG_4944 IMG_4936  IMG_4952 IMG_4937 IMG_4950 IMG_4949 IMG_4926 IMG_4928