U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalaka ah oo Soo Bandhigi-doona Nooca Doorasho ee 2020-ka

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta baarlamaanka ee Soomaaliya labadiisa aqal waxaa loo qeybinayaa waxka bedelka sharaciga doorashooyinka iyo warbixinta guddiga ee sharcigan.

Waxaana markii ugu horeysay la ogaan-doonaa sida ay noqon doonto nidaamka doorashada 2020-ka iyo sida ay ku taliyeen guddiga.

Sharciga doorashada waxaa ay golaha wasiirada ansixiyeen May 2, 2019, waxaana golaha shacabka la horkeenay 22 May halka ay guddiga maanta warbixinta keenay ay saareen 21 july 2019.

Xildhibaan Cabdirasaq Maxamed ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in guddiga sameeyeen ilaa 64 kulan oo ah dowlad goboleedyada, xisbiyada iyo bulshada rayidka ah.

Dhanka kale  waxaa kale oo la meelmarin-doonaa habraaca anisixinta dib u eegista dastuurka.

Goobjoog News