U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka, Madasha Iyo Beesha Caalamka Oo Madaxa Iskula Jira

Tan iyo markii ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashid u gudbiyay Baarlamaanka federaalka hanaanka doorasho ee 2016-ka  bishii hore 30-keeda, waxaa isa soo taraya walaac laga qabo in baarlamaanka wiiqo geedi-socodka iyo howshan socotay iyo in wax walba meeshii hore ku noqdaan.

In kasta uu baarlamaanka leeyahay shaqada meelmarinta heshiiska, hadana Xildhibaannada  oo qaab beeleed oo 4.5 ah ku joogay baarlamaanka waxay horay u heleen matalaaddii beeleed, waxa loo soo gudbiyana ma aha hindiso sharciyadeed ka yimid xukuumad, madasha iyo beesha caalamka waxaa ay ka sugayeen oo kaliya xildhibaannada meel marin, laakin arrintaas ma dhicin oo waxaa muuqata in xildhibaannada ay howshaan u qaateen si dhab ah iyo in dastuurka la waafajiyo.

Baarlamaanka Federaalka ah:  

Baarlamaanka federaalka ah markii ay la wareegeen go’aankii madasha waxaa ay u saareen guddi ka kooban 26, Xildhibaannadan waxaa ay bilaabeen shaqadooda si xowli ah.

Xildhibaan Cabdulahi Jaamac oo guddiga ka tirsan ayaa Goobjoog News u sheegay waxii guddigan farsamo ay qabeen labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Xildhibaanka Jaamac isbedelada ay sameeyeen waxaa uu ku sheegay in meesha ka saareen in madax goboleedka uu saxiix ku yeesho Xildhibaanka iyagoo sidoo kale ku soo daray gobolka Banaadir in uu matalaad ku yeesho aqalka sare, waxaa kaloo ay soo gudbiyeen in labada guddi ee heshiiskii madasha ku jiray sharciyo gaar ah loo sameeyo iyo 51 qof oo soo xuli doona Xildhibaanka.

Guddigan waxaa ay Isniinta la kulmeen Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha, madaxda dowladda waxaa ay guddiga cadaadis ku saareen in ay isbaddallada ay sameenayaan aanu noqon kuwoo wax u dhimaya geedi-socodka doorasho 2016-ka.

Guddiga waxaa kaloo ay la kulmeen beesha Caalamka Talaadadii,  kulankan oo saacado badan socday waxaa guddigan cadaadis kale lagu saaray in aanay carqaladeyn nidaamka doorasho ee dalka ee horay loogu heshiiyay.

Baarlamaanka waxaa uu maanta leeyahay kulan dheer, waxaana looga fadhiyaa in ay u codeeyaan oo ansixiyaan hanaanka doorasho ee 2016-kale.

Beesha Caalamka:

Maanta waxaa dalka imaanaya golaha amaanka, beesha caalamka waxaa ay walwal ka qabtaa sida baarlamaanka wax u wadaan.

Warbixin ay beesha caalamka soo saareen bishan 14-keeda waxaa ay ku sheegeen“ Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Itoobiya, Maraykanka, Sweden iyo Talyaaniga ayaa walaac xoogan ka muujiyay geedi-socodka daba dheeraaday ee lagu ansixinayo hanaanka doorasho ee 2016, kaas oo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu u gudbiyay Baarlamaanka Federaalka 30ki April. Saaxiibada caalamku waxay Baarlamaanka ku boorinayaan meelmarinta hanaanka loo marayo geedi-socodka doorasho, waxayna ugu baaqayaan dhamaan hay’adaha federaalka ee arrintu khusayso inay guda galaan diyaarinta iyo dhaqangelinta geedi-socodka doorasho ee 2016”

Hadalkan beesha caalamka, shirkii talaadadii dhexmaray guddiga Baarlamaanka iyo beesha caalamka ee la isku mari waayey iyo jawaabta ay golaha amaanka maanta u yimaadeen ee ku aadan natiijada hanaanka doorasho 2016-ka waxaa ay muujinayaan in dalalka taageera dowladda federaalka ah aanay ku faraxsaneen sida baarlamaanka wax u wadaan.

Odoyaasha Banaadir:

Kulan Ballaaran ayey Talaadadii reer Muqdisho ku yeesheen Caasimadda, Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, Imaam Maxamud Yusuf iyo odoyaal kale ayaa sheegay in aanay u cuntameyn in lagu tunto xuquuqda magaalo ay ku nool yihiin ilaa 3 Milyan iyagoo dowladda federaalka ah ku eedeeyay in ay u kala eexanayaan dadkeeda.

Maamul Goboleed:

Xildhibaanno ka tirsan maamul goboleedyada oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in hanaankan doorasho ee baalamaanka la horkeenay aany aheyn hindiso sharciyadeed la rabo in baarlamaanka uu ansixiyo ee waxani ay yihiin Roadmap Xildhibaannada horay loosoo matalay, Xildhibaanada marka ay ansixiyaanna lama horgeyn doono Madaxweynaha waayo waxaa uu ku jiraa Madasha qaranka.

Hanaanka Doorasho:

Hanaanka doorasho ee lagu heshiiyay uu ahaa natiijo ka dhalatay wadatashiyo bilooyin ka socday dalka oo dhan, taageerana ka helayay Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Sharmaarke, dhamaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada federaalka ah ee jira iyo kuwa samaysmaya, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xubno kale oo ka socday Baarlamaanka.

Gabagabo:

Haddii baarlamaanka federaalka ah sida ugu dhaqsiyaha u ansixin waayo sharcigan doorashada 2016-ka, waxaa la fili karaa labo arrin midkood:

In Beesha Caalamka ay isticmaasho awood iyo cadaadis dheeraad ah si arrintan baarlamaanka uu u ansixiyo.

In waqti lagu daro xilliga doorashooyinka 2016-ka, taasi oo keeni karta in hey’adaha dowladda waqti loogu daro oo doorashada dib u dhacdo.

Abdi Aziz Gurbiye, Goobjoog News