U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka Oo Ku Dhaawaqay Guddi Baara Tacaddiyada Maxaabiista Ee Ka Baxsan Hannaanka Baarista

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kalfadhigii 7-aad kulankiisii 38-aad , iyadoo xubnaha baarlamaanku ay gaarayeen illaa 139 xunbood, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Mahad Cabdalla Cawad.

Kulanka ayaa maanta ajanduhu ahaa in la sii amba qaado mooshinkii amniga isla markaana ay ku ballan sanaayeen wasiirka Wasaaradda Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Muqdisho,  laakiin waxay soo qoreen warqad ay ku codsanayaan in dib u dhigis loogu sameeyo, iyagoo soo sheegin xilliga ay diyaarka yihiin isla markaana ay hor imanayaan xubnaha baarlamaanka oo uu horyaallo mooshinkii xasaanadda iyo amniga oo illaa iyo hadda furan.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa xubnaha Baarlmaanka ku wargaliyay in la sameeyay guddi dabagal ah oo si gaar ah u soo baara tacaddiyada ay la kulmaan maxaabiista ku xiran xabsiyadda Muqdisho oo ay xildhibaannadu sheegeen in tacaddiyo ay kula kulmaan xabsiyada gudahooda.

Mahad Cabdalla ayaa sheegay in fikradda guddigani ay ka dhalatay kulan dhex maray 21 Feraayo, xildhibaanno 100 xubnood ah iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd ku qaatay xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ay xildhibaannadu Su’aalihii ay Madaxweynaha ay weydiiyeen ay ku jirtay  tacadiyada ay la kulmaan maxaabiista ku xiran xabsiyada Muqdisho oo si weyn looga deyriyay, loona geysto tacaddiyo ka baxsan hanaanka baarista iyo waxa uu madaxweynuhu kala socdo.

Haddaba guddigan xaqiiqa raadinta ah ayaa waxaa la magacaabay 23 bishan Febraayo iyadoo loo magacaabay, xildhibaanno ay ka mid yihiin  guddiyada baarlamanaka ee  cadaaladda, xuquuqul-insaanka iyo amniga; waxaana ka mid ah xubnaha guddiga, xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax, xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan, xildhibaan Mahad Maxamed Ducaale, Cali Yuusuf Cismaan, xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre, xildhibaan Maxamed Amiin Xasan Cabdullaahi, xildhibaan Khaalid Axmed diiriye, Cabdicasiis Cabdullaahi Yusuf, xildhibaan Cabdiraxmaan Ibraahim Cali iyo xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud, waxaana guddigan guddoomiye u noqday xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre.

Guddigan ayaa waxay u xilsaaran yihiin baaridda tacadiyada ay la kulmaan eedaysanayaasha baaritaanku ku socdo, iyadoo taliyaasha Ciidanka laga codsaday iney guddigaa howshooda u fududeeyaan.

Ugu danbeyn kulan kale ayaa barri loo ballamay lagu dooneyo in lagu xog wareysto hay’adaha amniga, xaaladda ammaanka dalka iyo xasaanadda xildhibaanada, iyadoo la filayo in mas’uuliyadda amni darro cid un ay dusha saarato.