U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka oo Labo Sharci ka Sameeyay Hanaanka Doorasho ee 2016

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa labo sharci  kasoo saaray hanaanka Doorasho ee 2016.

Kulanka baarlamaanka oo ahaa kalfadhigii 8aad kulankiisii 11aad, ayaa waxaa soo xaadiray xubno kor u sii dhaafaya 158 xildhibaan, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ajandaha xubanaha horyaalla ayaa ahaa qeybinta, ka doodista , ansixinta labo sharci oo kala ah, sharci suurto galin kara doorasho dadban iyo sharcigii lagu fulinayo doorashada dadban.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka hadlay labada sharci oo  yiri:

” Labadan sharci ayaa laga soo dhexsaaray barnaamijka ay xukuumaddu noo keentay 30 April, kaas oo aan u rognay labo sharci si ay noogu suurtogasho doorashada dadban, maadaama bishii Luuliyo 28-keedii golaha wasiirada iyo golaha shacabkuba ay isku raaceen inaan dhici Karin doorasho toos ah”.

Guddoomiye Jawaari ayaa hadalkiisa sii raaciyay in ugu horreyn laga doodi doono sharciga koowaad ee ogolaanaya iney doorasho dadban dalka ka dhacdo, waxaana is qortay 56 xildhibaan oo taladooda ka dhiiban doona sharciga.

Si kastaba, kulanka baarlamaanka ayaa wali socda iyadoo looga fadhiyo xubnaha baarlamaanka iney si degdeg ah u ansixiyaan shuruucda doorasho ee 2016

Goobjoog News