U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka Oo Loo Gudbiyay Hindise sharciyeedka Axsaabta Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Baarlamaanka Federaalka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shalay oo ay taariikhdu tahay 14 Feb 2016 gacantooda la soo geliyey, hindise sharciyeedkii Axsaabta dalka isagoo tilmaamay in markii horeba sharcigan uu ahaa mashruuc gudaha baarlamaanka laga bilaabay, laakiin Muddo lixbilood ah ay iska haysatay xukuumadda oo ugu dambeyn gacantooda la soo geliyey markii lagu soo lifaaqay aragtida wasaaradda Arrimaha Gudaha, islamarkaana ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay baarlamaanka u horgeynayaan labada cisho ee soo aaddan.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray in hadda sharcigii uu gacanta ugu jiro guddigii ku shaqada lahaa , wuxuuna laabta ugu qaboojiyay Axsaabta sida kumeel gaarka ah dalka uga jirtay iyo shacabkii sharcigan u oomanaa in si dhab ah sharcigan looga howl geli doono labada maalmood ama seddexda maalmood ee soo aadanna baarlamaanka la hor keeni doono, ka dib marka lagu soo daro aragtida wasaaradda, Oo gaar u qoran, waxaan keeni doonnaa sharcigaas oo is waafaqsan, oo wixii ay wasaaraddu ku soo dartayna aan soo dhexgelinay, ayaan keeni doonaa golaha Baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in dacwaddii Ra’iisul wasaaraha iyo tii wasiirka arrimaha Gudaha ee loo gudbiyay maxkaamadda sare ay intaa ku soo afmeerantay maadaama sharcigii uu ka soo gudbay golaha wasiirada iyaguna ay hadda gacanta ku hayaan.