U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka oo Maanta Dood Adag ka Yeeshay Hinidise Sharciyeedka Axsaabta

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka dooday hindise sharciyeedka Axsaabta Qaranka.

Kalanka ayaa ahaa kalfadhiga 8aad kulankiisa 4aad, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad, Ajandaha xubnaha la horkeenay ayaa ahaa hal qodob oo ah ka doodista hindise sharciyeedka Axsaabta .

Ajandaha Shirka markii la ansixiyay ayaa waxaa bilaabatay doodda xildhibaanadii is qoray ee doonayay iney ra’igooda ku kordhiyaan sharciga ama ay qodobbo ka saaraan, sida waa faqsan xeer hoosaadka baarlamaanka.

Xildhibaanada sharciga ka dooday ayaa qaarkood waxay sheegeen in sharciga uu u baahan yahay in dastuurka qabyada ah la waafajiyo, isla markaana hadda dastuurkii uu dib u eegis ku socdo, sidaa daraadeed sharciga lala sugo xilligeeda iyo marka wax ka bedelka lagu sameeyo dastuurka waxaana sidaa qabo xildhibaan  Yaasi Cabdi Seed.

” Gaab ayaa jira habka aan doonayno ee Axsaabta iyo dastuurka qabyada ah, marka wax badan oo aan is waafaqsaneyn ayaa ka muuqda, aan sugno ayaan oran lahaa dhameystirka dastuurka” ayuu yiri xildhibaan Yaasiin.

Dhanka kale, xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow waxa uu qabaa ra’yi kaa ka duwan, waxa uu yiri Soomaali waxa kaliya oo isku keeni karaa waa xisbi, waxaanuu sheegay in waddo kasta oo kale lagu fashilmay.

“Waxaan leeyahay sharciga Xisbiyada in la aqbalaa waa waajib, maxaayeelay; Tiih ayaan ka bixi weyney, 4.5 halaga guuro ayaa la yiri, waxaa la keeni waayay waddo looga baxo, haddaan Axsaab la sameyn macneheedu waxa weeye ma jiro dalkani, Soomaali yeyna isku imaan oo ay wax wada qabsan weeye, Gobollada dalka waxaa isku keeni kara waa xisbiyada”.

Xildhibaan Dhuxulow ayaa ku tilmaamay iney dhowr jeer isku dayeen in ay sameeyaan xulafaysi siyaasadeed baarlamaanka gudihiisa ugu dambeyna uu qabiil kala furfuray, waxaanuu carrabka ku adkeeyay iney waajib tahay in sharciga la ansixiyo, waxaanuu yiri; waxaan haysannaa 4 sanno oo kale oo sharciga hadba wax laga bedeli karo, wakhitigaasina waa ku filan yahay.

Ugu dambeyn; sharciga Axsaabta ayaa Akhrintiisa 2aad maray 17 April 2016, iyadoo la filayo in xubnaha baarlamaanku ay dhawaan u cedeeyaan sharciga oo ay ogolaadaan ama ay dib u dhigaan xilli kale.

Goobjoog News