U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka oo Maanta Xal ka Gaaray Mooshinka Joojinta Shirka Jowhar

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid kalfadhiga 8aad kulankiisii 3aad ayaa waxaa lagu meel mariyay heshiis laga gaaray mooshinkii joojinta shirka Jowhar.

Kalfadhigan oo ay isugu yimaadeen xubno gaaraya illaa 145 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad, ajandayaasha baarlamaanka la hor keenayay ayaa waxaa ku jiray heshiis ku saabsan mooshinka joojinta maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xubnaha baarlamaanka ayaa heshiiska mooshinka la horkeenay kadibna si wadar ogol ah u ansixiyay, iyadoo damaanad qaadka heshiiska ay dusha saarteen guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Halkan Riix si aad u Akhrisato Heshiiska oo Dhameystiran

Goojoog News