U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta Ansixiyay Sharciga Axsaabta Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa maanta ansixiyay 3 sharci oo uu ku jiro sharciga  Axsaabta qaranka.

Fadhiga ayaa ahaa kalfadhiga 8aad kulankiisa 14aad, waxaa soo xaadiray 153 xildhibaan, waxaana shir guddoomiyay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee  baarlamaanka Jaylaani Nuur Iikar.

Ajandaha baarlamaanka horyaallay waxaa ka mid ahaa, u codeynta mashruuc sharci wax ka bedelidda Dastuurka, u codeynta sharciga xanaanada xoolaha, akhrinta 3aad sharciga xuquuqul Insaanka, Akhrinta 1aad ee heshiiska dalalka afrikada bari loogu dhisayo ciidamo gurmad ah.

Ugu horreyn guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in wax ka bedelka dastuurka loo baahan yahay in la helo 184 xildhibaan, sidaa darteed aaney maanta suurogal ahayn maadaama tiradaas aaney joogin golaha, waxaa loo guda gelay ajandaha 2aad oo ahaa u codeynta sharciga xanaanada xoolaha, waxaa loo qaaday cod gacan taag ah, waxaa ogolaatay 150 xildhibaan, cid diiday ma jirin, 3 xildhibaan ayaa ka aamustay.

Intaa ka dib ayaa baarlamaanku waxa uu gudo galay akhrinta 3aad ee sharciga Axsaabta siyaasadda oo markii la soo jeediyay kadib guddoonka baarlamaanku uu xubnaha ka codsaday in loo codeeyo maadaama aan akhrintiisii 2aad aan waxba laga soo bedelin, waxaana la isla qaatay in cod la geliyo, waxaa ogolaatay 149 xildhibaan, waxaa diiday hal xildhibaan, iyadoo ay ka aamuseen 3 kale, sidaana waxaa lagu meel mariyay sharciga axsaabta Qaranka.

Sidaa si la mid ah, waxaa akhrintii 3aad iyo u codeyntisa la is raaciyay sharciga xuquuqul insaanka, waxaa ogolaatay 145 xildhibaan, waxaa diiday 3 xildhibaan, 5 kale way ka aamuseen, waxaana sidaa lagu meel mariyay sharciga xuquuqul insaanka.

Meel marinta sharciga Axsaabta qaranka ayaa muhiimad weyn u ah guud ahaan Soomaaliya, iyadoo dad badani ay rajo fiican ka muujinayaan in Axsaabtu ay noqon doonaan kuwa kaliya ee looga baxayo Qabyaaladda iyo eexda, ummadana mideyn kara.

Goobjoog News