U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug oo Ansixiyay Golaha Wasiirada Maamulkaasi

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan ay maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen xildhibaanada mamulka Galmudug ayaa waxa ay ku ansixiyeen wasiiradii dhowaan uu soo magacaabay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Waxaana kulankan soo xaadiray 78 mudane oo ka tirsan golaha sharci dejinta ee maamulka Galmudug.

Xildhibaanadana yaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay golaha wasiirada Galmudug, iyadoo aysan jirin mudanayaal ka horyimid liiska wasiirada cusub ee madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa 16-kii bishan soo dhameystiray golahiisa wasiirada oo ay ka dhimanaayeen wasiir ku xigeenno iyo wasiir dowlayaal.

Galmudug ayaa haatan u muuqata mid cagta saaray dhabihii horumarka ka dib markii Qoorqoor uu ku guuleystay inuu qanciyo dhamaan saamileyda siyaasadeed ee maamulkiisa.

Goobjoog News