U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug oo Ansixiyay Jadwal-Hawleedka Kalfadhiga 5-aad

Sheeko:Baarlamaanka
Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta xarunta golaha ee magaalada Dhuusamareeb,  si rasmi ah uga furmay kalfadhiga 5-aad kulankiisa 1-aad ee golaha wakiillada maamulkaas, fadhiga ayaa  waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha Baarlamaanka Dr Maxamed Nuur Gacal,oo aywehlineysay gudoomiye ku xigeen labaad Faadumo Cabdi Cali.
Ajandaha kulanka Golaha Baarlamaanka ayaa maanta kala ahaa.
1. Ansixinta Jadwal-hawleedka Kalfadhiga 5aad.
2. Warbixinta Xaaladda Guddiyada Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo kulanka furay, ayaa xildhibaanada u aqriyay Jadwal hawleedka kalfadhiga 5aad ee uu maanta uu qabsoomay kulankiisii 1aad
Xildhibaanada ayaa ka dooday jadwal hawleedka kalfadhiga 5aad iyagoo ugu dambeyntii meel mariyay jadwal hawleedka kalfadhiga 5aad
Sidoo kale gudoomiyasha guddiyada Baarlamaanka ayaa kulanka looga dhageystay warbixino ku saabsan xaaladaha amni iyo abaareed ee deegaanada Galmudug,ugu dambeyntii kulanka waxaa soo xiray gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug .
Goobjoog News