U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug Oo Isku Raacay In Cadaado Noqoto Xaruntiisa Rasmiga Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Iyada oo laga amba-qaadayo wareegto horay u soo saaray madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ee ku saabsanreyd xarunta baarlamaanka ayaa waxaa maanta arrintaas ka shiray xildhibaannada.

Kulankan oo ka dhacay Cadaado ayaa waxaa soo xaadiray 46 Xildhibaan oo ka tirsan xildhibaannada Galamudug iyaga oo ajendaha ahaa in cod loo qaadayo xarunta fadhiga baarlamaanka iyo baaq ay u dirayaan dowladda federaalka.

Sida ay Goobjoog News u sheegeen xildhibaannada goobta fadhiyay kadib cod-bixin la qaaday, dhammaan xildhibaannadii 46 ahaa waxaa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in Cadaado rasmi u noqoto xarunta baarlamaanka Galmudug.

Dhinaca kale, Baarlamaanka Galmudug ayaa dowladda federaalka ah ugu baaqay in ay dhex gasho mas’uuliyiinta maamulka, si loo xalliyo khilaafka jira.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Cabdi ayaa la filayaa inay safar ku yimaadaan magaalada Muqdisho iyada oo dowladda federaalka kala hadli-doono sida ugu haboon ee loo geli karo xallinta khilaafka.

Goobjoog News