U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug oo Maanta Afar Sharci La Horgeeyey

Sheeko:Baarlamaanka
Baarlamaanka dowlad goboleedka  Galmudug ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo ahaa kalfadhiga 2aad kulankiisa 6aad ee golaha wakiillada maamulkaas.
Kulanka  oo uu  shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa uu ku furmay kooramkii loo baahnaa, Ajandiha kulanka ayaana ahaa.
 Akhrinta Koowaad ee Shuruucda kala ah:
A. Dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug.
B. Hay’adaha Samafalka aan Dawliga aheyn.
C. Maareynta Deegaanka Galmudug.
D. Dhismaha Dawladaha Hoose.
Wasiirada kala ah, wasiirka Bay’da Galmudug Siciid Siyaad Shirwac, wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo dowlaha hoose Axmed Cusmaan (qooje) iyo wasiirka qorsheynta Iyo maalgashiga Galmudug Cabdinasir Gelle Cilmi, wasiir kasta ayaa xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug usharaxay muhiimadda sharcigaan uu u leeyahay Galmudug, iyaga oo ka codsaday akhrinta kadib in ay meel mariyaan sharciyadaan wasaaraduhu soo diyaariyeen.
Goobjoog News