Baarlamaanka Galmudug Oo Maanta Doranaya Gudoomiyahooda Iyo Ku Xigeenadiisa

Waxaa maanta oo ah maalin sabti ah lagu wadaa in magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ee baarlamaanka maamulka Galmudug oo bishan 22-deedii lagu dhaariyey halkaasi.

Sida ku cad jadwal ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka 21-dii bishan, guddoonka baarlamaanka Galmudug ayay tahay in la doorto 27-da bisha June oo maanta ku beegan.

Baarlamaanka oo ka kooban 89 xildhibaan ayaa waxaa horey xilkooda loogu dhaariyey illaa 68 xildhibaan, shalayna waxaa la dhaariyey 14 kale, taasi oo tirada ka dhigeysa 82 xildhibaan, iyada oo maantana la filayo in qeyb kale la dhaariyo.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kusoo beegmeysa xili shalay magaalada Dhuusamareeb uu ka furmey shir kale oo Ahlu Sunna ay maamul ugu sameyneyso gobolada dhexe.

Waxaa hadda xilka guddoomiyenimada si KMG ah u haya Cabdullaahi Xaashi Warsame.

Goobjoog News

Related Articles

20 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW