U bood dhigaalka

Baarlamaanka: Golaha Shacabka Oo 20 Cisho Kadib Maanta Kulmaya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay ku kulmaan xaruntooda kadib 20 maalmood oo kullamada u baaqdeen Ajende iyo Kooraam la’aan.

Ajendaha waxaa lagu sheegay:

  1. Ansixinta  heshiiska isdhaafsiga maxaabiista Soomaaliya iyo India
  2. Akhrinta warbixinta guddiga madaxabanaan ee xuduudaha.

Xildhibaannada ayaa horay u sheegay in labo-jeer uu u baaqday Kooram la’aan, waxaa ugu dambeysay September 23-keedii kolkaas oo wasiirro ka tirsan xukuumadda Kheyre au golaha hor-tageen, una sharaxeen hindise-sharciyeedyo ay ka mid yihiin Saxaafadda iyo Mihnadlayaasha caafimaadka.

Kulanka maanta ayaa imaanaya kadib 20 maalmood uu golaha ajende iyo kooraan la’aan ahaa, waxaana xusid mudan in kalfadhigan ay horyaalladaan wax ka badan 20 sharci oo ansixin u baahan.

Goobjoog News