U bood dhigaalka

Baarlamaanka Hirshabeelle oo Ansixiyey Ajendayaal Dhowr ah

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta magaalda Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ka qabsoomay kulanka golaha wakiillada maamulkas oo ahaa Kalfadhiga 1aad Fadhigiisa 9aad ee golaha, waxaana shir guddoomiye guddoomiye Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye kuxigenka 2aad   Mahad Xasan Cismaan.

Kulanka ayaan looga dooday ajendayaasha kala ah: 1 Hadal-Jeedinta Gudoomiyaha Golaha 2. Ansixinta codsiga madaxweynaha ee Mudo kordhinta dhismaha xukuumada. 3. Dejinta Qorshe howleedka golaha Iyo guddiyada Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay Ajendayasha la horkeenay Baarlamaanka.

Golaha ayaana ugu dambeyn waxaa uu cod gacan taag ku ansixiyey Ajendayasha Kala ah Mudo kordhinta dhismaha xukuumada iyo Qorshe Howleedka Golaha iyo Guddiyada,  Gudoomiyaha golaha wakiillada Hirshabeelle.  Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay Natiijada codeynta.Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 9 people, people sitting

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: one or more people, people on stage and indoor

Goobjoog News