U bood dhigaalka

Baarlamaanka Hirshabeelle oo Jowhar Lagu Dhaariyey

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa goordhow magaalada Jowhar lagu dhaariyey xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, kuwaas oo dhowaan lasoo xulay.

Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Shabeellada dhexe Cali Nuur Cabdi ayaa dhaariyey xildhibaannada, waxaana tiradoodu ay gaareysaa  90 xildhibaan.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoonka Baarlamaanka, maadaama lagu dhawaaqay guddiga qabashada doorashada.

Goobjoog News