U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Oo Ka Shiray Arrimo Dhowr Ah Oo Soomaaliya Ku Saabsan

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan baarlamaanka Jaamacadda Carabta isugu yimid ayaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan marxaladda Soomaaliya, iyo sidoo kale doorashooyinka hadda dalka ka socda.

Xilidhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka qeybgalay shirkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News ayaa sheegay in baarlamaanka ay horgeeyeen arrimo badan oo Soomaaliya ku saabsan, sida kaalmooyinka aan la helin, taakuleynta ciidamada Soomaaliya iyo arrimo amniga ku saabsan.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in ay baarlamaanka Jaamacadda Carabta horgeeyeen arrimo ku saabsan horumarka dalka ka socda sida hannaanka doorashada ay u socoto, waxaana uu sheegay in baarlamaanka uu arrintaasi u riyaaqay.

“Arrimo badan baa looga hadlay sida dadka boobka ku haya kheyraadka badda Soomaaliya, kuwa suntan kusoo daadiya iyo sidoo kale sidii dhallinyarada looga baajin lahaa tahriibka ayaa laga hadlay” ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

Ugu dambeyn xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka Jaamacadda Carabta ay isla wada fahmeen in la taageero Soomaaliya iyo sidoo kale in laga dhabeeyo ballanqaadyada ay dalalka carabta u fidiyaan Soomaaliya.

Goobjoog News