U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jubbaland Oo Laalay Qodobo Ka Mid Ah Dastuurka Maamulkaasi

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka maamul goboleedka Jubbaland oo maanta shir ku yeeshay xaruntooda Kismaayo ayaa wax ka bedel ku sameeyay qodobada 44aad, 45aad ee Dastuurka maamulka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Khamiistii la soo dhaafay codsi u soo gudbiyay baarlamaanka si ay wax ka bedel ugu sameeyaan qodobada 44aad iyo 45aad oo diidaya madaxaweyne ku xigeen labaad oo uu maamulku yeesho iyo in la furo golaha wasiirada, qodobadaas oo u muuqda inaaney taageerayn dib u heshiisiinta iyo awood qeybsiga maamulka, isla markaana uu ka codsaday xubnaha baarlamaanka in ay laalaan.

Fadhiga baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoominayay gudoomiyaha golaha Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxaana soo xaadiray 66 xubnood, iyadoo ajandaha lagu ballansanaa uu ahaa u codeynta laalidda qodobada aan kor kusoo xusney.

kadib markii ay soo gabagabowday doodii xildhibaanada ayaa ugu dambeyn la galiyay cod, waxaa laalidda qodobadan 44aad iyo 45aad ee dastuurka kumeel gaarka ah  Jubbaland ogolaatay 58 xildhibaan,  halka todobo kale ay diiday , hal xildhibaanna uu ka aamusay, waxaana sidaa ku hirgalay laalidda qodobada 44aad, 45aad ee dastuurka Jubbaland.

Goobjoog News