U bood dhigaalka

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2020 Ee maamulkaasi

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo waxaa ay ku meel mariyeeen  miisaaniyadda maamulka uu ku shaqeyn doono sanadka 2020.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cali Siciid Fiqi oo ay hareer fadhiyeen labadiisa ku xigeen Maxamed Nuur Maxamed iyo Shamso Maxamed Yarrow, waxaana kooramka lagu meel marinaayey uu ku furmay 87 xildhibaan.

Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay miisaaniyadda ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda waxaana ugu dambeyn loogu codeeyey qaab gacan tag ah waxaa ogolaaday 84 xildhibaan waxaa diiday 1 xildhibaan halka xildhibaanka soo haray aan la cadeyn mowqifkiisa diidmo ama yeelid.

Miisaaniyadda maanta uu meel mariyey baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay noqonaysaa misaanaiaddii abid ugu badneyd uu maamulka uu yeesho intuu uu dhisnaa waxaana ay gaaraysaa $17,145,994 (Todobo iyo Toban Million, boqol afartan iyo shan kun, sagaal boqol sagaashan iyo afar doolar) halka miisaaniyaddii sanadkii hoye ay aheyd $8,000,000 Sideed Milyan oo dollar).

Wasiirka maaliyadda dowlad gobaleedka oo  baarlamaanka ka hor hadlay ayaa golaha uga mahad celiyey sida ay u meel mariyeen miisaaniyadda ay soo diyaarisay wasaaradda oo dib ugu dhacay sababo la xiriira doorashada baarlamaanka labaad ee dowlad gobaleedka.

Guddoomiyaha golaha baarlaamaanka dowlad gobaleedka Koofur Galmeed Cali Siciid Fiqi ayaa gaban gabadii sheegay in miisaaniyadda ay tahay ansax isaga oo sheegay in baarlamaanku fasax yahay sababo la xariira xanuunka Coronavirus guddoomiyaha ma shaacin waqtiga dib loo soo noqonayo,

Goobjoog News