U bood dhigaalka

Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Isku Raacay Xilliga La Qabanayo Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa maanta isku raacay in November 17 ee sanadkan ay dhacdo doorashada madaxtinnimada.

Arrintan ayaa timid xilli ay socotay munaasabad lagu soo xirayey kalfadhiga 4aad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed, taasi uu ka qeyb-galay madaxweynaha dowlad goboleedka Sharif Xasan Sheekh Aden.

Sida ku qoran dastuurka Koonfur galbeed, wejiga 1aad ee doorashada madaxweynaha oo horay loo soo qabtay waxaa uu dhigayey in ay wax soo xulaan Ergo iyo oday dhaqameed, sidaas ayaana lagu doortay Sharif Xasan, laakin wareegga 2aad oo dhacayey November-ta soo socota, oo dhigayey in ay madaxweynaha doortaan Xildhibaanno iyo odayaal ayaa la laaley, waxaana ay Xildhibannada isku raaceen in doorashada soo socota ay galaan uun baarlamaanka.

Codadka la qaadey 110 cod ayaa ogolaaday soo-jeedinta baarlamaanka halka 3 Xildhibaan ay iska diideen, waxaa sidaasi lagu go’aamiyay in doorashada November ay madaxweynaha doortaan xildhibaannada baarlamaanka.

Goobjoog News