U bood dhigaalka

Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Meel Mariyay Xeerka Adeegga Garsoorka 

Sheeko:Baarlamaanka

Kalfadhiga 1aad kulankiisii 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo si aqlabiyad leh lagu meel mariyay xeerka guddiga Adeegga garsoorka ee maamulka Koonfur galbeed.

kulankan waxaa soo xaadiray 88 xubnood oo ka mid ah baarlamaanaka Konfur galbeed, iyadoo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna, ajandaha  xildhibaanada horyaalay ayaa ahaa ka doodista iyo ansixinta xeerka guddiga adeegga garsoorka oo horey loogu qeybiyay xubanaha si ay uga soo baaraan dagaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo kulanka baarlamaanka kadib si gaar ah ula hadlay Goobjoog news; ayaa sheegay in kulanku uu ahaa dood ku saabsan xeerka adeegga garsoorka, iyadoo xildhibaanadu ra’yigooda  ku biiriyay xeerka , kadibna su’aalo xeerka ku saabsan weydiiyay wasiirka cadaaladda K.Galbeed Axmed Sheekh Xasan Fiqi.

Ugu dambeyn waxaa cod la geliyey xeerka adeegga garsoorka iyadoo guud ahaan xildhibaanadu ay ahayeen 88 xubnood, waxaa meel marinta xeerka ogolaatay 86 xubnood, halka 2 xildhibaan ay diiday, cid ka aamustayna ma aaney jirin, sidaasna waxaa lagu meel mariyay xeerka adeegga garsoorka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog News