U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Anisixiyay Xeerka Saxaafadda, Guddina u Saaray Doodihii Jiheynta Siyaasadda Dalka 2016-ka

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka 24-aad, Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka waxaa shir guddoominayey Jawaari, waxaana ajendayaashiisa ka mid ahaa u codeynta xeerka Saxaafadda, warbixinta xisaab xirka kharashaadka  2014-ka iyo qeybinta ka mid noqoshada hay’adda islaamka iyo horumarinta(ICD).

Xildhibaanada ayaa maanta u codeeyay xeerka Saxaafadda, kulanka waxaa joogay 142 xildhibaan, xeerka waxaa ogolaaday 139 Xildhibaan halka ay ka aamuseen ilaa 3 Xildhibaan.

Waxaa kaloo maanta laga dooday xisaab xirka kharashaadka 2014-ka, waxaa madasha joogay xisaabiyaha guud ee qaranka Siraaj iyo Hanti-dhowraha qaranka Nur Faarax Jimcaale, ninka hore ayaa sheegay in wax laga weydiin karo oo keliya qarashka soo galay Khasnadda dowladda.

Dhinaca kale waxaa maanta la magacaabay guddi warbixin ka soo diyaariya doodo maalmahan ka socday gudaha baarlamaanka oo ku saabsanaa  jiheynta siyaasadda dalka 2016ka.

Guddigan waxaa ay kala yihiin: Aden Madoobe, Cabdullahi Jamac, Cabdullahi Boos, Cabdulahi Coonka, Cabdismad Macalin iyo Cabdirisaq Jurille.

Waxaa sidoo kale ka qeybiyay ka mid noqoshada hay’adda islaamka ee horumarinta)ICD).

Goobjoog News