U bood dhigaalka

Baarlamaanka Oo Diyaarinaya Sharci Lagu Ilaalinayo Xuduudaha Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga Arrimaha gudaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaarinayaa sharci lagu ilaalinayo xuduudaha wadanka uu la leeyahay wadamada Deriska ah.

Gudoomiye ku xigeenka guddigaasi Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan qorshaha Kenya ee Xuduudda, isaga oo sheegay in xuduudaha dalka ay yihiin kuwo dayacan.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaanka in aragti ahaan uu qabo in Kenya ay howshii ay waday joojisay markii ay maqleen in xildhibaanno iyo wasiiro xaqiiqo raadin ah halkaasi ku wajahan yihiin.

“Aniga waxaan qabaa markii la ogaaday in xildhibaanada Soomaaliyeed kusoo baxeen ayaa birahii iyo shaqadii socotay ay joojisay Kenya, in Kenya ay howshaasi wado ayna qorsheynayso aniga waan aaminsanahay, xuduudaheenana wey iska dayacan yihiin” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay diyaarinayaan hidise sharciyeed lagu xafidayo guud ahaan xuduudaha dalka.

“Annaga waxaa naga go’an baarlamaankana na weydiistay inaan keenno hindise sharciyeed lagu xafidayo xuduudaha dalka, taasna howsheeda way inoo socotaa sharcigaasi waan iska dhameynay, waan dadaaleynaa, xadkeena waa dheer yahay ma ahan mid xildhibaanno maalin ay ku tagi karaan, shakina kuma jiro in Kenya uu damac galay, aniga waxaan hayaa madaxweyne ku xigeenka Kenya oo leh waan dhisaneynaa xadkeena, waxaan hayaa Jeneraal Kenya oo shaqada ka fariistay dhahayana Kenya xur bay u tahay in xuduudeeda dhisato, hadii xuduud la dhisayo waxaa muhiim ah in Labada dal ay heshiis ku wada yihiin, xuduudka wuu dheer yahay, waa la laabi karaa, waa la qaloocin karaan, waad ogtihiin maxkamadda caalamiga ah inay taallo damacii badda ee Kenya, marka meelaha lama degaanka ah ayaa laga yaabaa in ay ka qalloociso oo ku aadiso meelaha badda ee dacwadda ka jirto” ayuu yiri xildhibaan Jeesow.

Maalin kahor waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay guddi xaqiiqo raadin ah oo ka koobnaa Labada gole ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo ku baxay xadgudubka Kenya ay ka wado Xuduudda.

Goobjoog News