U bood dhigaalka

Baarlamaanka Oo Warbixinno Ka Dhageystay Guddiyada Difaaca Iyo Maaliyadaad

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka 36-aad ee Kalfadhiga 6-aad ee Maanta waxa ajanadayaashiisu kala ahaayeen Warbixin shirka guddiga Difaaca iyo Safiirka Midowga Afrika, waxaa kaloo ajandaha ka mid ahaa Warbixin Guddiga Maaliyadda ee ku saabsan Dakhliga.

Ugu horeyn Xildhibanada waxaa loo sharaxay kulankii dhex maray Warbixin shirka guddiga Difaaca iyo Safiirka Midowga Afrika, waxaa kulankaa ka qeyb galay  Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Mudane Xuseen Carab Ciise, waxaa kaloo kulanka marti ku ahaa Safiirka AU, Ku xigeenkiisa, Taliyaha Guud ee AMISOM iyo taliyaha qeybta koobaad waxaa su’aalo laga weydiiyay howlgalka dib u xureynta dalka, Wada shaqeynta Ciidanma AMISOM iyo XDS, Tacadiyada AMISOM ee shacabka gobolada degen sida Shabeelada hoose, Hiiraan iyo Bakool, Xag gudubka Jinsiga ee AMISOM.

Safiirka AU, Maman Sidikou ayaa warbixinta ku sheegay in Mandate-ka AMISOM uu yahay

  1. In ay meesha ka saaraan Al-shabaab.
  2. In ay la shaqeeyaan soomaalida shacab iyo ciidan sidii meesha looga saari lahaa Al-shabaab.
  3. Tababarka iyo Tayeynta Ciidanka Soomaaliya.
  4. In dowladda Soomaalida ay hesho kalsoonida shacabka
  5. Xilka waxaa ka mid ah ilaalinta Xarumaha Qaramada Midoobey iyo Xaeumaha AU, Xarumaha dowladda sida Madaxtooyada, Baarlamaanka, iyo meelo ay ku jiraan waddooyinka la isticmaalo.

Mar ay ka hadlayeen Wada shaqeynta AMISOM iyo Ciidanka Xoogga dalka waxaa ay sheegeen in xiriirka labada dhinac uu wanaagsan yahay, waxaana dhawaan dhici doono shir arintaas lagu sii hagaajinayo oo dhex mari doono AMISOM iyo Taliyaasha Ciidanka XDS.

Guddiga ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadii 1-Luulyo ee la sheegay in AMISOM ay qoys leysay, haddii run noqotana ay tahay in sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka la jabiyay, dadaaladdana la waafajin doono.

Waxaa sidoo kale maanta la qeybiyay Warbixin Guddiga Maaliyadda eek u saabsan Dakhliga

Halkaan ka akhriso Warbixinta Guddiga Maaliyadda