U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddiga Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya labadiisa gole ayaa maanta kulan  wadajir ah waxaa ay ku leeyihiin xarunta Villa Hargaysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ayaa waxaa uu yahay soo xululista guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda   oo dhowaan ka dhici doonta Muqdisho.

Dhowaan waxaa caasimadda kusoo gabagaboobay doorashada guddoonka labada gole ee Baarlamaanka federalka, waxaana bishaan gudaheeda lagu wadaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha 10-aad.

Goobjoog News