U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntalnd oo Galay Fasax Ku Aaddan Bisha Barakeysan ee Ramadaan

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa galay fasax ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Fasaxan ayaa ah muddo labaatan cisho ah, waxaana lagu sheegay in sababtu tahay bisha barakeysan ee Ramadaan iyo in lagu sii siqayo 10 dambe ee cibaadada iyo waliba xildhibaanada oo gobollo fog fog ka kala yimid oo la doonayo iney ehelkooda la ciidaan.

Xildhibaan Cabdikariin Guure Shaacuur oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in sababta fasaxu yahay mid ku aaddan bisha barakaysan ee Ramadaan.

“Waxaa la galay fasax la xiriira bisha Ramadaan oo hadda usii janjeersatay 10-kii dambe oo cibaadadii iyo taajudkii iyo howlo badan ay haystaan xildhibaanada, sidaas ayaa loo fasaxay ee sabab kale ma jirin” ayaa hadaladiisa ka mid ahaa.

Dhanka kale, wariyaha Goobjoog News ee magaalada Garoowe Cawil Cali, ayaa kusoo waramaya inuu jiro xusul duub loogu jiro xubnaha aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka oo laga dareemayo deegaanada Puntalnad gaar ahaan xafiisyada dowladda.

Si kastaba kalfadhiga baarlamaanka Puntland ayaa furmay arbacadii lasoo dhaafay ee 15 Juun, iyadoo isla maanta uu galay baarlamaanka fasax ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Goobjoog News