U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland oo Guddi u Saaray sare u kac ku yimid Maciishadda & Lacago Been Abuur ah oo Suuqyada la soo Geliyay

Sheeko:War

Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa guddi u saaray wax ka qabashada sare u kac ballaaran oo ku yimid maciishada, taas oo ay dadweynuhu ka mudaharaadeen.

Gudoomiyaha Guddiga dhaqaalaha Baarlamaanka Puntland Xildhibaan Maxamuud Faarax warsame (Maxamuud dheere), ayaa ka waramay inay soo gaartay cabasho ku aaddan kor u kaca quutul-daruuriga ku yimid, waxaanuu sheegay in ay ku hawllan yihiin ka baarlamaan ahaan wax ka qabashada cabashada dadweynaha.

Xildhibaan Maxamuud Faarax Warsame ayaa tilmaamay inay maqleen wararka sheegaya dalka inay lacago cusub shillin Soomali ah ay soo galeen laakiin ay guddi u saareen kuwaasi oo laga war sugayo xaqiijinta arrintan.

Magaalada Garowe ayaa 2 bishan May waxaa ka dhacay banaan bax ay dhigeen dadwayanaha, gaar ahaan haweenka, kuwaas oo ka cabanayay kor u kac ku yimid cuntada iyo sarifka lacagaha qalaad.

Haween iyo dhallinyaro oo watay maryo ay ku xardhanaayeen wax halaga qabto  kor u kaca maciishada iyo qiimaha dollarka ayaa  iskugu soo banaan baxay waddooyinka magaalada Garowe , waxaana ugu dambayntii ay iskugu yimaadeen afaafka hore xarunta barlamaanka Puntland, ayagoo sheegaya inay doonayaan xildhibaanadu iney wax ka qabtaan arrimahan maadaama ay shacabka matalaan Dhanka kale magaalada Bosaso ayaa shalay waxaa ka dhacay banaan bax balaaran oo ay dhigeen shacabka kuwaasi oo ka cabanayay kor u kaca maciishadda oo ay sheegeen inay halkii ugu saraysay marayso , taas oo ah sababta kaliftay inay ka dibad baxaan.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa la sheegayaa inay suuqyada soo galeen lacago been abuur ah taas oo keentay kor u kac ku yimid maciishadda iyo qiimaha sarifka lacagaha qalaad oo dad badan oo danyar ah dhibaato ugu jirto.
Goobjoog News